Mid ka mid ah Magafayaasha Soomaalida oo Xabsi daa’in lagu xukumay (Sawirro)

Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa waxa ay xukun xabsi Daa’in ah ku xukuntay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu jirdil, kufsi iyo Dil u geystay dad Tahriibayaal ah oo doonaayay in ay gaaraan Qaaradda Yurub, iyaga ka imaaanaya Waqooyiga Qaaradda Africa.

Cusmaan Mahamud, oo 22 jir ah, oo ka yimid Soomaaliya, ayaa lagu helay dambi ah tiro badan oo dil ah, afduub madax furasho iyo rabshad galmo oo lagula kaco haweenka, gaar ahaan kuwa Da’da yar.

Maxkamadda sare ee magaaladda Milan oo dhagaysatay muddo Shan saacadood ah dambiyadda loo haysto ninkaan Soomaaliga ayaa ugu dambeyn waxa ay ku xukuntay xukunkan xabsi Daa’inka ah.

Mahamud ayaa la xiray sanad ka hor, kadib markii ay aqoonsadeen dad Soomaali ah oo ku jira xarunta dadka soo galootiga ah ee magaaladda Milan, Waxaana xilligaas gacanta ku dhigay ciidamada Booliska.

Intii lagu guda jiray dhagaysiga Maxkamadda Milan 17 marqaatiyaal ah ayaa maxkamadda u sheegay in Mohamud uu geystay kufsi, garaacid iyo jirdil.

Xeer ilaaliyaasha Maxkamadda ayaa waxa ay sheegeen in ninkan Saddexda sano ee ugu horeysa xukunkiisa in uu ku qaadan doono xabsi isaga u gaar ah.