Meydka haweeney muslimiinta mareekanka ah oo laga helay webi dhexdiis (sawiro)

Waxaa la helay meydka haweeney lagu magacaabo Sheila Abdus-salam waaana haweeney muslim mareekan madowga ahayd taasoo ka mid ahayd garsoorayaasha Amerikanka ah meydka haweeneydaas ayaa laga helay wabiga Hudson ee dhex mara Magaalada Newyork.

Seyga Haweeneydan meydkeeda la helay oo lagu magacabao Gregory Jacobs ayaa Warbaahinta u sheegay in ay la’aayeen tan iyo talaadadii, waxa uuna tilmaamay in lagu soo war galiyay in meydkeeda laga helay wabiga Hudson.

Sheila Abdus-Salaam ayaa noqotay Haweeneydii ugu horeysay ee Muslim madow ah oo loo magacaabo in garsoore noqoto, waxay Garsoore ka aheed Maxkamadda Sare ee Manhattan muddo 14-sanno.

Sheila Abdus-Salaam oo 65-sano jir aheed ayaa noqotay haweeneydii ugu horeesay oo Muslim ah oo garsoore ka noqota dalka Mareykanka, waxa ayna Haweeneyda garsoore ka aheed Maxkamad kutaala magaalada New York.

Ciidamada booliiska ayaa lagu war galiyay in meydka haweeneydan uu dul sabeenayo wabiga Hudson, waxa ayna ciidamada booliiska halkaasi kasoo qaadeyn meydka haweeneydan kamid aheed garsoorayaasha Mareykanka.

War kasoo baxay booliiska magaalada New York ayaa lagu sheegay in meydka Garsoore Sheila Abdus-Salaam uusan ka muuqan wax dhaawacyo ah, waxa ayna wadaan ciidamada booliiska baaritaano ku aadan sababta keentay geerideeda.