Meydadka Muhaajiriin Afrikaan ah Oo Laga helay Xeebaha Liibiya Qaar kalana laga Soo bad baadiyay (SAWIRRO)

Waxaa xeebaha dalka Liibiya laga helay meydad gaaraya ilaa iyo 11 qofood oo muhaajiriin ah, kadib markii ciidamda dalka liibiya ay u gurmadeen dooni tahriib ah oo ku qalibantay xeebta dhanka waqooyi ee loo yaqaano Sabratha,

Ciidamada Bada Liibiya ayaa ka war helay aqbaarta muhaajiriintay ay doonidu kula gadoontay gudaha Bada Waxaana dadaal dheer kadib suurta gashay in la soo badbaadiyo dad gaaraya 83 qofood,

Ayob Qassem oo ah afhayeen u hadlay ciidamada Bada liibiya ayaa Wakaalada Wararka Xinhua u sheegay in doontani ay ciladowday markii shidaalku ka dhamaaday taasina ay sababtay in ay qalibanto,

Dhamaan muhaajiriinta la bad baadiyay ayaa ka soo jeeda qaarada Afrika gaar ahaan Wadamada Soomaaliya iyo eretera, Waxaan hada gacanta ku haya Ciidamada amaanka liibiya,