Meydad lagu arkay Suuqii maanta Dabka xoogan uu baaba’shay

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay dabkii xooganaa ee saakay aroor hore qabsaday qeybo kamid ah Suuqa Weyn Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Wararka aan ka heleyno Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in labo qof ay ku dhinteen dabka saakay qabsaday Suuqa Bakaaraha, waxaa sidoo kae lasoo sheegayaa in ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay dabkaasi.

Dabka saakay qabsaday Suuqa Bakaaraha ayaa qasaaraha nafeed kasokoow waxaa ka dhashay qasaaro maaliyeed oo aad u badan, waxaana dabkaasi oo soccday in ka badan 5 saacadood ku hanti beelay ganacsato badan.