Mucaaradka dalka Kenya ayaa horey u qaadacay Doorashadii 8-dii August ee sanadkan ka dhacday gudaha dalkaasi Kenya, taasi oo uu ku soo baxay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Todobaadkii la soo dhaafay waxaa socday dacwad laga dhageysanayay Mucaaradka Kenya, oo ku aadan qaabka ay u dhacday Doorashada, isdabamarinta la sameeyay iyo cabashooyinka jira.
Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa ka hadal dheer kadib waxay barkhanimadii maanta ku dhawaaqday in aysan waxba ka jirin Doorashadii Madaxtinimo ee 8-dii bishan ka dhacay dalka Kenya.
Waxay sheegtay Makxamadda in la soo daabacay warqado dheeraad ah, kuwaasi oo lagu daray Doorashada, taasina ay guusha siisay Madaxweynaha markale ku guuleystay xilka Madaxweynanimo.
Madaxa Cadaalada dalkan Kenya Mr. David Maraga ayaa ku dhawaaqay go,aanka Maxkamada Kadib dhageysiga dacwadan oo socotay Sadexdii maalin ee la soo dhaafay, waxaana uu amray mudo Lixdan maalmood ah inlagu qabto Doorasho cusub.
Waxaa socda dibadbaxyo ay dhigayaan qaar ka tirsan taageerayaasha Mucaaradka dalka Kenya, waxaana arrintan soo dhaweeyay xisbiga NASA, oo howshan ku amaanay Maxkamadda Sare.
Go’aankan ayaa ka dhigan in mar kale uu Raila Odinga soo noolaaday, waxaase la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta, waxaana laga cabsi qabaa inay dhacdo qalalaase ka dhasha go’aanka Maxkamadda.