Maxkamadda Dalka Suudaan oo Xukun ku riday Fanaanka Nimcaan Hilaac

Fanaanka  Soomaaliyeed Nimcaan Hilaac oo  maalmahanba ku sugnaa magaalada Khartoom ee dalka  Suudaan ayaa xalay xabsiga la dhigay kadib markii ciidamada booliska ay soo galeen hool ay ka socotay Bandhig faneed ay ka soo qayb galeen ku dhawaad 300 oo dhalinyaro u badan arday wax ka barata dalkaas,

Ciidamada ayaa xabsiga dhigay fanaan Nimcaan iyo Laba ka mid ah ragii soo abaabulay Showgaas.

Xariga Nimcaan ayaa yimid kadib markii qolada showga qabanqaabineysay ay ku diiwaangaliyeen In xaflad aroos Hoolka ka dhacayo balse markii dambe ay booliska ka war heleen in uu yahay bandhig faneed uu qofkasta uu lacag ku bixinayo daawashadiisa,

Nimcaan oo xalay ku hoyday Xabsiga ayaa saaka la soo taagay maxkamada , waxaana ay ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 1,500$  una dalka uga baxo 24 saac haddii kale xarig 6 bilood ah .