Maxkamadda Cadaaladda Yurub oo Xukun adag kasoo saartay Muhaajiriinta

Maxkamadda caddaaladda ee Yurub ayaa xukmisay in dadka magangalyo doonka ah dacwadahooda laga xareeyo dalka ugu horreeya ee ka tirsan midowga Yurub ee ay ka soo dhul billaabaan.

Intii uu socday qulqulka muhaajiriinta ee 2015 iyo 2016 ayaa xuduudaha la isu furay, ayadoo dad badanna ay magangalyo ka dalbadeen dalal kale.

Maxkamaddu waxay ogolaatay doodda dalalka Austria iyo Slovenia ee ah inay xaq u leeyihiin inay dib ugu celiyaan dadka magangalyo doonka ah halka ay Yurub ka soo galaan.

Arrinta xuddunta u ah kiiska ayaa ah haddii shuruucda midowga Yurub ee magan gelyo doonka, ee loo yaqaanno xeerka Dublin, lagu dhaqi karo xaaladahaas aan caadiga ahayn.

Qaxootiga ayaa waxay tahay inay magangalyo waydiistaan dalka ugu horreeya ee Midowga Yurub ka tirsan ee ay tagaan.