Maxkamada Sare ee EU oo ogolaatay in shaqada laga Eryi karo gabdhaha Xijaaban

Kadib go’aan ay soo saartay maxkamada ugu saraysa ee midowga Yurub ayaa waxaa shirkadaha gaarka loo leeyahay loo ogolaaday inay xor u yihiin shaqo siinta Gabdhaha Muslimiinta ee Xijaaban, Shirkadaha ayaa sidoo kale waxaa awood loo siiyay inay shaqada ka eryi karaan qof kasta oo ay ka muuqato calaamado diineed,

Go’aan kan ayaa yimid kadib markii Maxkamada EU ay soo gaartay laba kiis oo dacwo la xiriirta gabdho shaqadooda ku waayay xijaab ay xirnaayeen,

Xukunkan ayaa ka dhigan cadaadis iyo faragelin diimeed oo soo wajahday gabdhaha Muslimiinta ah ee asturan. Waxaana qaar ka mid ah soo food saari doonta shaqo la’aan,

©Goobsan  Media