Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukun xabsi ah iyo Ganaax lacageed ku riday Wariye Gurbiye

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta xukun isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ku riday Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tafatiraha guud ee Warbaahinta Goobjoog ee xarunteedu tahay Muqdisho.

Wariye Gurbiye oo dacwada loo heestay soo martay heerar kala duwan, waxaana Wariyaha ugu dambeyn Maxkamada gobolka Banaadir ku xukuntay lix bilood oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 5 Million oo Shillin Soomaali ah.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegtay in Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye lagu helay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo ku saabsan faafinta wararka been abuurka ah .

Xukunkan xabsiga ah ee lagu riday Wariye Gurubiye ayaa maxkamada gobolka Banaadir sheegtay in uu iibsan karo , waxa ayna u badnaan doontaa in Wariye Guribiye uusan xabsi gali doonin taa badalkeedana iibsan doono xukunka xabsiga ah.

Wariye  Gurbiye ayaa la xiray 14-kii bishii April ee sanadkan kadib markii uu wax ka qoray Madaxweynaha Soomaaliya, mana cada ilaa hada cida sida rasmiga ah usoo eedeesay Wariye Gurbiye oo maalmo xirnaa balse markii dambe damaanad lagu sii daayay.