Maxamed Salaax oo ka mid noqday Boqolka qof ee ugu saamaynta badan caalamka

Weeraryahanka kooxda Liverpool, Maxamed Salaax, ayaa sheegay in ragga ay “dhaqanka wadaagaan iyo kuwa Bariga Dhexe” looga baahan yahay inay si xushmad dheeraad ah leh ula dhaqmaan dumarka, xilli uu laacibkan ka mid noqday boqolka qof ee ugu saamaynta badan caalamka ee ay soo xulatay jariirada Time.

Laacibkan 26 jirka ah ee Masar u dhashay, ahna nin si wanaagsan ugu dhaqma diinta Islaamka, ayaa kamid ahaa lixda qof ee sawirradooda lagu daabacay bogga hore ee jariiraddaasi Maraykanka ka soo baxda, waxaana waraysigii lala yeeshay uu uga hadlay xuquuqda dumarka.


“Waxaan u baahannahay inaan wax ka bedelno dhaqankeena ku aaddan haweenka,” ayuu u sheegay jariirada Time.“Waa inaan sidaa samaynaa, oo ma aha wax khiyaari ah.”

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan u taageeraa dumarka si ka badan sidii aan horay ugu taageeri jiray, waayo waxaan dareensanahay inay u mudan yihiin wax ka badan waxa hadda la siiyo.”

Waxaa Salaax liiskaasi ku wehliya dad caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ra’iisal wasaaraha Pakistan Imran Khan, asaasaha Facebook Mark Zuckerberg, xaaska madaxweynihii hore ee Maraykanka Michelle Obama iyo fanaaniinta kala ah Ariana Grande iyo Lady Gaga.

Dadka ku soo baxay liiskan ayaa loo kala qeybiyay shakhiyaad horseed ah, fanaaniin, hogaamiyayaal, kuwo caanbaxay iyo shakhsiyaad aad muhiim u ah oo ka mid yahay Maxamed Salaax.

John Oliver oo ah majaajileyste u dhashay Ingiriiska daadihiyana barnaamijka Last Week Tonight isla markaana taageero weyn u ah kooxda Liverpool ayaa maqaal kooban oo uu uga hadlayo Salaax u qoray jariirada.

“Mo Salaax waxaa bani’aadan ka wanaagsan laacibka uu yahay,” ayuu qoray Oliver oo intaa ku daray, “waxaana uu kamid yahay laacibiinta ugu wanaagsan caalamka.”

“Mo waa qof muhiim u ah Masaarida, dadka Liverpool iyo Muslimiinta dunida oo dhan, sidaa oo ay tahayna waa nin aan isla-weyni ku jirin, dadka ka fekera oo qosol badan.”