Dagaal dhexmaray Maxaabiis iska soo horjeedda oo ku sugan xabsi ku yaalla koonfur galbeed ee dalka Mexico ayaa sababay inay geeriyoodaan 28 maxbuus.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay nin dagaalkan uu ka dhacay xabsiga ammaankiisa aadka loo adkeeyo ee Las Cruces oo ku yaalla magaalo xeebeedka Acapulco.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka geeriyooday uu u dhintay jirdil ama tooriyayn, iyadoo qaarkoodna madaxa laga gooyay, iyadoo Dawladdu amartay in baaritaan la sameeyo.
Acapulco ayaa ah magaalada ugu wayn ee gobolka Guerrero, taasoo ka mid ah meelaha ay dhibaatooyinka ugu badan ka dhacaan ee dalka Maxico, waxaana laga soo saaraa daroogo badan.
Sida uu sheegay Roberto Álvarez oo ah afhayeenka arrimaha ammaanka ee dawladda Maydadka ayaa laga soo saaray jikada iyo goobta la isku booqdo ee xabsiga.
Baaritaanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa shaqaalaha xabsiga iyo sababta ay ciidamada amaanku wax uga qaban waayeen dagaalka intaas le’eg ee maxaabiista badan lagu laayey.
“Arrintan waxaa kiciyay muran soo jiray oo dhexmaray maxaabiis iska soo horjeeda ee xabsiga ku jira kuwaasoo horey u ahaa burcad abaabulan oo daroogada ka ganacsata” ayuu hadalka ku daray.
Booliiska faderaalka iyo milatariga ayaa jaray bannaanka xabsiga Las Cruces oo la sheegay in ay ku jiraan in kabadan 2,000 oo maxbuus kuwaasoo u badan kooxo burcad ahaa dembiyo culus soo galay.