Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxa ay sheegayaan in saaka Xaaladda Magaaladaasi ay degan tahay.
Goobaha ganacsiga ayaa dib u furmay, waxaana sidoo kale dhisme lagu bilbaabay goobihii ku burburay Qalalaasihii ka dhacay Magaalada Maalmihii lasoo dhaafay.
Qaar ka mid ah Madaxda dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay guryahooda iska joogaan inta ay ka hubsanayaan xaaladda magaalada, laakiin dib loo furay oo kaliyah Xarumaha ganacsiga.
Waxaa guud ahaan la xiray Xafiisyadda dowlad degaanka, Maadaama wali ay taagan tahay Cabsi ah in madaxda la qabqabto oo la xiro.
Maanta oo Isniin ah ayaa ah maalintii koobaad ee shaqada ka dib rabshadihii magaalada ka dhacay Sabtii ee burburka baaxadda leh gaystay.