Mataano ku dhashay isbitaal ku yaala Hindiya oo lagu arkay arin naadir ku ah dunida (Sawiro)

Isbitaalka Jaipur ee ku yaala Dalka Hindiya ayaa waxa ku dhashay ilmo yar oo gabar ah taasoo lagu arkay arin aduunka qariib ku ah kadib markii ay ku dhalatay madax dheeri ah oo dhanka caloosha uga yaala iyo gacan.

Madax dheeraadka ee gabadha kaga yaalay caloosha ayaa la sheegay inuusan lahayn indho iyo dhego.

Dhaqaatiirta Isbitaalka JK Lone oo ku yaalla magaaladda Jaipur ee dalka India ayaa la sheegay inay qaliin socday afar saacadood ku sameeyeen gabadhaasi.

Hooyadaan Da’da yar oo 21 jirka ah ayaa tagtay isbitaal lagu magacaabo Ram Shehi halkaas oo lagu saaray kumbiyutar loona sheegay inat ilmo mataano ah ay sido, balse hooyadan ayaa ka cabaneysay xanuuno dheeri ah oo aysan horay isagu arkin ilmahii kan ka horeeyay.
Dhaqaatiirta ayaa hooyadaas saaray mashiinka (Ultrasound), ee lagu baaro caloosha waxayna ogaadeen inay wado ilmo mataano ah, inkastoo aysan ogaanin qaab-dhismeedka ilmahaasi.

Mataanaha sidan mucjisada ku dhashay ayaa naadir ku ah caalamka, waxayna Dhaqaatiirtu sheegeen in halkii malyan oo carruur dhalata laga helo ilmo leh qaab mataano aan dhamaystirnayn.

Aabaha dhalay gabadhan oo 24 jir Beeraley ah waxaa uu sheegay in muhiimadda 1-aad tahay in xaaska la badbaadiyo ka dibna canug yar.

Qaliinkan ayaa la xaqiijiyey in lagu guuleystay, waxaana Madixii dheeriga ahaa laga soo saaray Caloosha, sidoo kalena waxaa la jaray gacantii saddexaad ee dheeriga ahayd.

Ilmaha yar oo gabar ah ayaa la sheegay inay soo kabanayso, iyadoo la siiyo caanaha naaska hooyadeeda, waxaana la filayaa goor dambe oo isbuucan ah in laga saaro isbitaalka ay ku jiraan.

Dhakhaatiirta Isbitaalka ayaa sheegay ineysan wax kharash ah ka qaadin qoyskan qaliinka ay ku sameeyeen gabadhooda sababo la xiriira dhaqaale xumo heysata qoyskaas awgeed, waxayna xuseen iney ku faraxsan yihiin badbaadinta gabadhan yar.

Waxaase la xusi karaa in aduunka lagu arkay carruur ku dhalata qaababkaan iyo kuwa ka ag dhowba ayadoo qaarkoodna aan helin wax khaliin ah oo lagu sameeyo ayna saas ku koraan.

daawo sawirada gabarta yar ee khaliinka lagu sameeyay