Mas’uul ka hadlay Tacadiyada loo geysto Soomaalida lagu afduubto Yemen.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda QM ugu qaabilsan Muhaajiriinta ee IOM, William Lacy Swing. ayaa ka digay khataraha ay Soomaalida kala kulmaan Kooxaha Dembiilayaasha ee Yemen.

Hadal uu soo saaray Mas’uulkaasi waxa uu ku sheegay in Soomaali badan la afduubto isla marka ay gaaraan Yemen, lana jir-dilo, si ay u bixiyaan Lacago Madax-furasho ah.

Waxa kale oo uu sheegay inay Burcadda Yemeniyiinta ay  Soomaalida ay afduubtaan kuna gubaan baco dhalaalayo, kuna khasbaan inay la hadlaan  Reerahooda, si ay u bixiyaan Lacagaha Madax-furashada, ka hor intaysan Qaxootiga u sii socdaalin gudaha dalkaasi.

Arrintan ayaa noqoneysa Dhibaato Hor leh oo looga dogayo Soomaalida ayadoo dadka tagaya Yemen ay Tahriib kusii galaan dalka Sacuudiga.