Mas’uul diyaar u ah inuu Shirkadda DP-World ku wareejiyo Dekaddii 3aad ee Guadaha Soomaaliya ah (Sawiro)

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sugan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, isagoo kulamo kula leh Madaxda Shirkadda DP World.

Sida la ogsoonyahay Shirkadda DP World ayaa horay ula wareegtay Dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo ay heshiisyo kala gaar gaar ah la gashay Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Shirkaddan laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa qorsheyneysa inay la wareegto dhamaan Dekedaha ku yaala Soomaaliya.

Sida ay wararku sheegayaan Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed iyo Mas’uuliyiinta Shirkada DP World ay si wada jir ah iskula garteen sidii Dekedda Magaalada Baraawe oo ah meel Istiraatiji ah ku taalo si wanaagsan loogu dayactiri lahaa isla markaana Shirkadu ay Miisaaniyad Fiican ku yeelan lahayd.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la qiimeeyo Baraawe, si loo soo arko meelaha maalgashiga u baahan, waxaana la filayaa in DP World ay wafdi qiimeyn ah u soo dirto Baraawe, si ay usoo arkaan sida xaalku yahay.

Imaaraadka Carabta ayaa xilligan saameyn xooggan ku yeelanaya maamul goboleedyada dalka, iyadoo xiriir dhow la leh Madaxweynayaasha maamuladaas oo horay dalkeeda ugu yeertay

Baraawe oo ka mid aheyd magaalooyinkii qadiimiga ahaa ee Soomaaliya ayaa leh marin caalami ah oo istiraatiiji u aheyd maraakiibta oo ay Transit ahaan u isticmaali jireen xilliyadii bur burka ka hor, iyadoo laheyd buundo badda iyo magaalada afkeeda isku xirta oo lagu magacaabo Jilaani, taasoo ku bur burtay dagaalkii labaad ee Adduunka oo Ingiriiska iyo Talyaaaniga ku dagaalameen.