Masaajid Amar lagu siiyay In dhawaaqa Aadaan ka Salaada Dadka loogu Gudbiyo WhatsApp-ka

Iyadoo waddanka Ghana uu isku dayayo in uu xalliyo sawaxanka iyo wasaqda hawada magaallooyinka ugu waaweyn dalkaasi ayaa waxaa dowladda Ghana ay Muslimiinta ugu baaqday in ay joojiyaan dhawaqa dheer ee Aadaanka la isugu yeero Salaadaha, taa beddelkeedana ku beddelaan farriimo qoraal iyo codad ah oo ay Muslimiintu salaadaha isugu yeerayaan xilliyada cibaadada.

Ghana ayaa sheegtay in Masaajidda iyo Kaniisaduhu ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka taagan dalkaasi marka ay timaaddo xagga buuqa iyo sawaxanka, gaar ahaan caasimadda dalkaasi ee Accra, oo ay dowladdu isku dayayso in ay wax ka qabato goobahaasi cibaadada.

Masaajidda ayay dowladdu ugu baaqday in ay dadka ugu yeeraan farriimaha adeegga bulshada ee lagu wada xiriiro ee WhatsApp-ka haddii ay ahaan lahayd qoraal ama cod.

“Maxaysan suurtogal u ahayn in salaadaha la isugu yeero farriimaha WhatsApp-ka, iyadoo Imaamku uu WhatsApp u kala dirayo dadkoo dhan” sidaa waxaa yiri Wasiirka deegaanka Ghana Kwabena Frimpong-Boateng.

“Waxaan is leeyahay taasi waxay yareyn doontaa qaylada, waa arrin dood badan ay ka imaanayso, balse waa wax aan ku fikiri karno” ayuu u sheegay shabakadda DW ee Jarmalka.

Laakiin muslimiin fara badan oo ku nool caasimadda Accra, ayaa ku gacan seyray fikradda ah in salaadaha la isugu yeero iyadoo la isticmaalayo taleefoonka, taasoo ay sheegeen inay adag tahay.

Waxyaabaha muranka laga keenay waxaa ka mid ah cidda lacag u qoraysa Imaamka Masaajidka ee juhdi badan gelinaya inuu salaad walba farriimmo u kala diro dhammaan Muslimiinta, halkii uu ka adimi lahaa dabadeedna dadku soo xaadiri lahaayeen masjidka.

Xigasho: ishasacabkamari