Mareykanka oo War Kasoo Saaray Duqeyn Laga Fuliyay Saldhigyo Al-Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay duqeyn diyaaradaheeda cirka ay ka fuliyeen Gobolka Jubadda Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyntan si gaar ah loola beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab, oo ku yaala woqooyiga Magaaladda Kismaayo.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ma uusan shaacinin khasaaraha ay dhalisay duqeyntaan lala beegsaday maleeshiyaadka Al-shabaab oo dhacday maalintii isniinta aheyd.

“Iyadoo la kaashanayo Dowladda Soomaaliya, ciidamada Maraykanku waxay sameeyeen duullaan ay ku bartilmaameedsadeen Al Shabaab, meel 50-KM Waqooyi kaga aadan, waxaan wadnaa baaritaanada la xiriira weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay.” Waxaa sidaasi CNN u sheegay Maj. Karl Wiest oo ah afhayeen u hadlay Taliska Mareykanka.

Duqeyntaan ayaa noqonaysa tii 14-aad ee diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyaan goobaha ay ku sugan yihiin Maleesiyaadka Al-shabaab ee Koonfurta dalka Soomaliya.