Mareykanka oo lagu eedeeyay inuu Xado Macdanta Soomaaliya

Siyaasiga Faarax Macalin ayaa sheegay in dowladda Mareykanka xilli walba ay garoonka Bali doogle ay ka dhoofiso Macdanta Soomaaliya,islamarkaana si joogto ah ay u xado Kheyraadka Soomaaliya.

Ma jirto Cid xaqiijin karta hadalka Siyaasigaan laakiin dad badan ayaa horay walaac kaga muujiyay Sababta Ciidanka Mareykanka ee Badda ay saldhigga ugu weyn Afrika ay kaga sameysayaan Garoonka Balli doogle.

“Habeen kasta 3-da habeenimo dayuurado kuwa xamuulka ah oo uu Mareykanka leeyahay ayaa isku dhaafa Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho iyo kan Balidoogle iyagoo mugdiga ku gambanaya una socda meelo aan la aqoon,konteenaro min 40 Ft ah ayaa sidoo kale laga soo daabulaa Buur Hakaba ilaa Barawe waxa ay xadayaana waa macaadin” ayuu yiri Siyaasiga Faarax Macalin Hoggaamiyihii hore Aqlibiyadda Baarlamaanka Kenya.

Dad badan ayaa horay u sheegay in diyaaraddaha Mareykanka ay garoonka Aadan Cadde kasoo degtaan xilli Habeen ah, islamarkaana ay ka laabtaan Xilli Habeen ah.

Meel ka mid ah Soomaaliya ayaa dhawaan lagu arkay in diyaarad  ku degtay, islamarkaana la aaminsanaa in ay aheyd gobolka Baay, kadib Sawirro Sataleyd laga qaaday ayaa muujinaayay gaari nooca Xamuulka ah oo garab taagan.