Mareekanka oo gantaalo waaweyn ku garaacay xarumo militariga Suuriya deganaayeen

Dowlada mareekanka ayaa fulisay weerar loo adeegsaday gantaalada cul culus kaasoo lagu qaaday saldhigyo ay leeyihiin ciidanka militariga wadanka Suuriya weerarkan ayaa waxaa amarka lagu qaaday iska lahaa madaxweynaha mareekanka Donald Trump.

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil Maraykan ah waxaa 59 gantaal oo ah nooca Toma-hawk laga soo riday markab ciidanka badda ee Maraykanku leeyihiin oo fadhiya badda Mediterranean-ka, taasoo in sanado ahba ay ku sugnaayeen.

Weerarkan ayuu Maraykanku sheegay inuu jawaab u yahay weerar kiimiko arxan darri ah oo lagu qaaday dad rayid ah dhawaantan, kaasoo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay madaxweynaha Siiriya Bashar al-Assad. Ku dhowaad boqol ruux ayaana ku dhintay weerarkaas.

Goobaha duqeynta Maraykanka lagu garaacay waxaa ka mid ah garoon ay ciidamada cirka ee Suuriya ku leeyihiin magaalada Homs, halkaasoo Maraykanku uu sheegay in dayaaradaha dagaalka ee Suuriya ay ka qaadeen weerarradii hubka kiimikada.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay duqeynta Maraykanka balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in saldhigyada ciidamada Siiriya ee la duqeeyey ay joogeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ruushka arintaasoo haddii ay dhab noqoto xaalada sii hurin karta.

Ruushka oo ah saaxib la ah dowlada Suuriya ayaa dhowaan digniin ku bixiyey ficil kasta oo milateriga Maraykanku ka sameeyo Suuriya inuu yeelanayo cawaaqib xun.

Saraakiil Maraykan ah ayaa horey u sheegay inay qorshaynayaan talaabo milateri oo jawaab u ah weerarkii sunta kiimikada ah ee xukuumadda Suuriya ay u adeegsatay magaalo ay gacanta ku hayaan mucaaradka hubeysan ee ka horjeeda.