Mareekanka oo bilaabay tarxiilka Somaalida iyo dadka sharci la’aanta ah oo wadooyinka laga qabanayo

Sida muuqato Dowladda mareekanka ayaa ka dhabayneysa balanqaadkeedi ahaa inay wadanka ka saaraan dadka aan sharciga haysan taasoo haddaba laga dareemayo in Ciidamada Ammaanka Maraykanka ay bilaabeen qabashada dadka ajaanibka ah ee Sharciga haysan, iyada oo 10 Soomaali ah todobaadkan laga qabtay Atlanta.

Dadka ay ciidamada amaanka iyo laanta Socdaalku beegsanayaan ayaa isugu jira dad aan sharci haysan iyo kuwa sharcigu ka maqanyahay balse dambi galay.

Dadkan ayaa guryahooda iyo suuqyada magaalada Atlanta laga soo qabqabtay.

Guddoomiyaha Ururka Somaalida ee Atlanta Cumar Abuukar Shiikheey ayaa warbaahinta u sheegay in jaaliyadda soomaalidu ay aad uga walaacsantahay tallaabadan cusub.

Guddoomiyaha Ayaa sheegay in dambiyada dadka qaar ay galeen ay yihiin dambiyo aad u fudud oo aan istaahilin in lagaga saaro dalka Maraykanka , laguna celiyo Soomaaliya oo haataan duruufo adag ay ka jiraan.