Malta: Soomaali Ku eedaysan Kufsi oo Xabsi adag lagu xukumay.

Muwaadin Soomaali oo lagu magacaabo Liibaan Xuseen Maxamuud ayaa la soo taagay Maxkmaad ku taalla Jesiiradda Malta, waxaana isaga iyo 2 ka mid ah saaxiibkiisa lagu soo oogay inay afduubteen, isla markaana kufsadeen Haweeney 21-jir ah oo u dhalatay Talyaaniga, taasi oo ku noolayd magaalladda Foloriyaana ee ku taalla Jesiiradda  Malta.

Falkaasi ayaa la sheegay inuu dhaacay bishii Maarso ee sannadkii 2013-kii, kadib, markii ay Liibaan Xuseen Maxamuud iyo saaxiibadiisa ay haweeneyda ku afduubteen gaari xilli aroornimo hore ah, ka hor intaysan ku xad-gudbin.

Mid ka mid ah raggii la socday oo lagu magacaabo C/raxmaan Abuukar waxaa isaga horey loogu helay inuu Haweeney kale kufsaday, halka Eedeysanaha kale la sheegay inuusan ku lug lahayn falka lagu kufsaday Haweeneyda u dhalatay Talyaaniga.

Dhinaca kale, Maxkamadda waxay ku xukuntay eedeysanaha koowaad ee Liibaan Xuseen Maxamuud xabsi 8 sanno iyo 6 bilood iyo ganaax lacageed oo dhan 2,329 ee Lacagta Euro   (€2329).