Mahad Abiib: Sidee Adigoo Midgaan ah Seylac madax uga noqon kartaa ” Hay’adda Socdaalka Norway”

Maxamed oo ah muwaadin Somali ah ayeey wali ku socotaa dacwad la xiriirta inu ka been sheegay jinsayadiisa  oo uusan Soomaali aheyn uuna yahay  Jabuutiyaan sida ay sheegeyso Hay’adda Socdaalka Norway ee Utlendingsdirektoratet – UDI  (The Norwegian Directorate of Immigration)

Wargeys dalkaas ka soo baxo  oo lagu magacabo (Dagbldet) ayaa maata qoray in Abiib  dacwad ay ku socota oo ku saabsan sharciga (passporkisa ) oo  lagala laabtay sababtu waa in uu ka yimid Jabouti oo uusan Soomaaliya ka imaan.

Hay’adda Socdaalka Norway ee Utlendingsdirektoratet – UDI  (The Norwegian Directorate of Immigration) aya ku eedeyneysa Abiib inu isku dhiibay inu yahay Midgaan. Wuxuuna Wargeysku sheegay  isagoo xiganayey Hay’adda Socdaalka Norway ee Utlendingsdirektoratet – UDI  (The Norwegian Directorate of Immigration) inu  rabay inuu  madaxweyne ka noqodo maamul goboleed  loo sameyn rabay Saylac.

Baarayaasha  dowladda Norway aya ku heysta Abiib in uusan isago oo  midgaan ah madaxweyne Seylac ka noqon karin

“Sideed madaxweyne ugu noqon kartaa Saylac illeen ciise ma ahid beenta maxaad u sheegee oo qabiil aadan u aheyn u sheeganee” aye maxkamada ka hor sheegeen saraakisha Hay’adda Socdaalka Norway ee Utlendingsdirektoratet – UDI  (The Norwegian Directorate of Immigration)

Dawadda Norway ayaa sameysay  baritaano badan oo nuuc walba leh iyadoo lagu sameyay xitaa guurkiisa ah ku saabsan oo ah in midgaan aysan guursan karin qabiilada kale sida warbixinta Wargeyska daabacay lagu sheegay.

 

Abiib Mobile-kiisa waxa laga helay telefonada Wasiirka gaashaandhiga Jabuuti iyo ka caafimaadka, Facebook dadka uu kula sheekeysto waa jabuti luuqadda faransiiska ku hadla oo xitaa maxkamadda waxaa la keenay isagoo wiil jabuti joog ku leh faransiis dambe ha iguana hadlin.

Si kastaba jaaliyada  Soomaalida Norway ayaa is bar bar taagay Abiib oo u muujiyey taageero

Xigasho: Radio Dalsan