Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa soo bandhigtay sawirada shan nin oo ay sheegeen inay kabar bar dagaalaamaan Xarakada Al-Shabaab Waxa Ayna balanqaad Usameeyeen cidii soo sheegta in lagu abaal marin doono aduun Lacageed oo dhan 2 million oo shilinka dalka Kenya ah.
Booliska ayaa baahiyay sawirada shantaas nin Ee u dhashay dalka Keenya magacyada Shantaasi Ruux Ayaa lagu sheegay Abdikadir Mohamed aka Ikrima, Mohammed Tajir Ali, Suleiman Irungu Mwangi Salad Tari Gufu iyo Gufu Tari Gufu.
Raggaan sawiradooda lsoo bandhigay oo ay booliska Keenya baadi goobayaan ayaa la sheegay in ay yihiin amniyaad Al-Shabaab uga dhax shaqeynaya gudaha dalka Kenya.
Keenya ayaa haatan wajaheysa weeraro toos ah afduub iyo qaraxyo kaga imaanaya dagaalamayaasha Alshabab waxayna inta badan weerarada ka dhacaan dhulka Keymaha ah ee Boni ee magaalo xeebeedka Lamu.iyo waqooyi bari dhulka Soomalida ee Keenya
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa horay waxa uu ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Alshabaab
SAWIRO