Madaxweyne Trump oo si geesinimo leh uga hadlay askarigii looga dilay Sh/Hoose

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay askari ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo lagu dilay Soomaaliya, xilli Ciidamada Mareykanka ka qeyb qaadanayeen howl gal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Donald Trump ayaa sheegay in askarigaas uu dhintay, isagoo gudanaya waajibaadkiisa qaran, waxaana uu tacsi u diray eheladii iyo dhamaan qoyskii uu ka dhintay
Waxaa uu wacad ku maray in ay sii waddi doonaan howlgallada dhanka Cirka ah ee ay la beegsanayaan dagaalyahnada Al-Shabaab.

Waa Askarigii Ugu horeeyay ee looga dilayo Soomaaliya mudo ku dhow 24 sano ayadoo Sanadii 1993dii ay ahayd markii askar Mareekan ah oo gaareysa 18 askari looga dilay Gudaha Soomaaliya Xiligaas oo ay wadeen howlgalo balaaran.

Dowladda mareekanka ayaa sheegtay inay sii wadayaan duqeymaha ay ku taageerayaan Ciidamada Soomaaliya ayna ku beegsanayaan meelaha ay joogaan ururka Al-shabaab kuwaas oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka nabad ilaalinta ee Amisom.