Madaxweyne Trump oo lagusoo eedeeyay inuu xog muhiim ah la wadaagay Ruushka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay in sir muhiim ah uu la wadaagay Ruushka, kaasoo ku saabsan Kooxda ISIS, sida uu baahiyay Wargeyska Washington Post.

Kulan uu Madaxweynaha Mareykanka todobaadkii hore Aqalka cad kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergie Lavrov ayaa la sheegay inuu macluumaad sir ah uu siiyay.

Warbaahinta Mareykanka ayaa si weyn uga hadashay arrintan, inkastoo Aqalka Cad uu beeniyay warkan, kuna tilmaamay inay tahay war been ah.

Hase ahaatee Sarkaal ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa dalbaday in arrintan faah faahin laga bixiyo.

Donald Trump ayaa horay lagu eedeeyay inuu xiriir dhow la leeyahay Ruushka, waxaana socda baaritaano la xiriira arrintan iyo kaalinta Ruushka ku lahaa doorashadii Mareykanka.

Xiriirka Donald Trump iyo Warbaahinta ayaa ahaa mid sii xumaanayay, tan iyo markii uu la wareegay xilka, waxaana dhowr jeer warbaahinta caalamiga ay baahinayeen warar ka dhan ah maamulkiisa.