Madaxweyne Trump oo Gabadhiisa La-taliye u Magacaabay

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa la-taliyaha U magacowday gabadhiisa Ivanka Trump.
Gabadhaasi oo u dhaxda Jared Kushner oo isagana La-taliye Sare u ah Madaxweyne Donald ayaan wax mushaar ah lagu siinin Shaqada uu ka hayo Aqalka Cad ee looga taliyo dalkaasi.
Ivanka Trump oo 35-jir ah waxay dhowrkii bilood ee uu aabaheeda Madaxweynaha ahaa si caadi ah uga dhex muuqatay Aqalka Cad, iyadoo mar hore Xafiis ku lahayd Dhismaha Aqalka Cad.
Gabadha Madaxweynaha iyo saygeeda midba khibrad uma laha Siyaasadda Guud ama Xafiiska loo doortay.

©Goobsan Media