Madaxweyne Trump iyo Hogaamiyaha K/Waqooyi Kim Jong-un oo Heshiisyo kala Saxiixday

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jung-un iyo Madaxweynaha Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiisyo ka dib markii ay kulan yeesheen.

Qodobadda ay ku heshiisyeen labadda Hoggaamiye waxaa ka mid ah:

In Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay yagleeshaan xiriir cusub si waafaqsan rabitaanka shacabka labada dal si nabad iyo barwaaqana loo gaaro.

Im Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay iska kaashadaan dadaallada nabad waarto looga dhalinayo gacanka Kuuriyada.

Si waafaqsan bayaankii Panmunjom April 27 2018, in K/Waqooyi ay ka shaqeysaa sida gacanka looga dhigi lahaa mid ka caagan niyukliyeer.

Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi inay iska kaashadaan baadigoobka maxaabiista dagaal ee aan war laga haynin iyo sidii si deg deg ah loogu soo wareejin lahaa kuwa la ogyahay ee hadda gacanta ugu jira K/Waqooyi