Madaxweyne Museveni oo dalbaday in garab lagu siiyo la dagaalanka Al-shabaab

Madaxweynaha Uganda Youwer Museveni ayaa  Magaalada New York oo uu kaga qebgalaayo shirkii  72’aad ee Jimciyada Khurumaha ka dhexeyso ka sheegey in Dowladiisu ay door muhiim ah ka ciyaarto xasilinta iyo nabad kusoo dabaalida Soomaaliya oo ah dal kasoo kabanaayo colaado sukeeye,balse loo bahanyahay buu yiri in lagu garabsiiyo daalada ay wadaan.

Isagoo garabtaagan wasiirka arrimaha dibadda Germarka Sigmel Gabriel ayuu Museveni sheegey in Germalka iyo Midowga Yuruba ay weligoodba Howlgalka AMISOM ugu deeqi jireyn Saanad Milateri iyo Lacago Mushaarad ah hadana ay ka rajeynaayaan Deeq intaasi ka badan si buu yiri loo derdergeliyo dadaalada Nabad kusoo dabaalida geyiga Soomaaliyeed iyo Geeska Afrikaba.

Gebriel oo Germalka Matalaayey ayaa isaguna sheegey in Germalka ay ka go’antahay ka qeyb qaadashada xasilinta Afrika ayna sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan AMISOM, taasi badalkeeda ay ay dardergeliso holgalada ka dhanka ah waxa uu ugu yeerey argagixisada.

Museveni ayaa ka hadlay halka ay marreyso howlagalada AMISOM ka wadaan Guud ahaan dhulka soomaalida, waxa uuna sheegey in alshabaab ay u muuqato in ay ka tag iyo tabar roonaadeyn oo awooda ay kusoo koobantahay miinooyin ay wadooyinka hareerahooda ku aasan iyo in ay soo qaadaan weeraro gaadmo ah waa sida uu sheegey.
Balse dagaalyahanada alshabaab ayaan iyaguna dab-yar shideyn oo sii wada dagaalada ay ku beegsadaan Ciidamada AMISOM.
Hadalka Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa imaanayo iyadoo horaan Midowga Yurub uu u shaaciyey in 20% uu dhimayo lacagtii uu ugu yaboohi jiray Howlgalka Nabad Sugida Midowga Afrika ee AMISOM.