Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa aqbalay uu xilka ka dego ka dib markii Cadaadis ay saareen Mas’uuliyiinta Xisbiga talada Haya.
Warbaahinta ayaa shaacisay in Madaxweynaha uu aqbalay Codsigii ahaa in uu xilka baneeyo , Maadaama lagu eedeeyay Musuq maasuq.
Xisbiga ANC ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in shirkii ay la yeesheen Zuma ay kasoo baxeen miro wanaagsan, islamarkaasna ay dib u dhigeen shirkii golaha dhexe oo looga doodi lahaa mustaqbalka Zuma.
Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa dib u dhigay waqtigii uu furmi lahaa kalfadhiyada sanadkan, sababo la xiriira mustaqbalka madaxweynaha.











