Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ugu baaqay toddobaadkaan ALLE bari iyo Roob doon (SAWIRO)

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Farmaajo, ayaa ugu baaqay shacabka
Soomaaliyeed in ay Toddobaadkaan gudihiisa sameeyeey isu soo baxdyo ALLE
bari iyo Roob doon ah.
Madaxweynaha JFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehliyaan
Wasiirrada Warfaafinta, Diinta, guddoomiyaha gobolka Banaadir,
agaasimayaala ka socda wasaaraha qaar iyo Culimada Soomaaliyeed qaarkood,
ayaa shir saxaadeed ka ku qabtay xafiiskiisa oo oo uga hadlay xaaladaha
abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya.
Madaxweynaha, ayaa sheegay in xaaladda abaarta ay la socdaan cudurro halis
ah,  isla markaana dadka ay bilaabeen in ay ka soo qaraxaan gobollada ay
dhacdooyinkaasi ka taagan yihiin, waxa uu boggaadiyey dadaallada ay wadaan
Ra’iisul wasaaraha iyo guddiga Qaranka ee guddiga Abaaraha Soomaaliya oo
sameeyey isku dayo wanaagsan ilaa welina wada.
Sidoo kale Madaxweynaha Farmaajo, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in
maalinta Talaadada ee soo socoto ay sameeyaan isu soo baxyo ALLE Bari iyo
Roob doon, si ALLE nooga dulqaado abaaraha dalka aafeeyey xilligaan.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, ayaa sheegay
in dambiyada ka dhacay Soomaalida dhexdooda in ay keeneen abaaraha, loona
baahan yahay in laga Towbad keenno, si Khataraha ay abaartu ka mid tahay
ALLE nooga Qaado.

Xigasho: SONNA