Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta La Filaayo in Uu la kulmo Dhigiisa Dalka Kenya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ah Ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo Oo Booqasho Shalay ku tagay Dalka Kenya ayaa maanta Waxaa Lafilaa in uu La kulmo Dhigiisa Dalka Kenya Ee Uhuru Kenyata.

Kulanka ayaa ka dhici doona Xarunta Madaxtooyada Nairobi, halkaasoo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku soo dhoweyn doono dhiggiisa Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa ka hadli doona xiriirka labada dal, ammaanka, iskaashiga, ganacsiga iyo arrimaha qaxootiga, waxaana kulamadooda kaddib ay qaban doonaan shir jaraa’id.

Waxaa jiri doono heshiisyo labada dal ay kala saxiixan doonaan, iyadoo la fulinayo qodobo ka mid ah heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho bishii September ee sanadkii hore.

Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa inay qeyb ka fuliso qodob ka mid ah heshiiskii Muqdisho ee ku saabsanaa dhinaca socdaalka, iyadoo diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya lagu baaro garoonka Wajer, taasoo horay dowladda Federaalka cabasho uga keentay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 25-ka bishan ka qeyb geli doona shir madaxeedka IGAD ee looga hadlayo arrimaha Qaxootiga.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa ah tii u horeysay oo uu ku tago mid ka mid ah dalalka deriska ah, waana safarkii labaad oo uu dibadda ugu ambabaxo tan iyo markii xilka loo dhaariyay bishii Hore.