Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Danjire Aamina Maxamed, Sii-haya Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed Sheekh (Bagadi) iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa qaadan doona muddo hal maalin ah, waxaana maanta oo Talaadada ah uu ku biiri doonaa hoggaamiyeyaal ka socda qaaradda Afrika iyo Caalamka oo ka qeyb galaya caleema-saarka.
Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo horumarinta ah, iyada oo uu shaqeeyo guddi wadajir ah oo labada dhinac u qaabilsan dhaqan-galinta heshiisyada is-kaashi ee u dhaxeeya labada dal.











