Madaxweyne farmaajo oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo wasiirka amniga

Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay dhamaan Taliyeyaasha ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo wasiirka Amniga, waxaana madaxweynahu uu amray Taliyeyaasha Ciidammada inay gacanta ku soo dhigaan Askario shalay qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho.

“Ma loo dul qaadan karo in askarta ay dhibaateeyaan shacab oo ay dil u gaystaan halkii laga doonayay inay difaacaan.”ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen. Maxamed Aadan Axmed oo la hadlay Warbaahinta kulanka madaxweynaha ka dib ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askarigii shalay magaalada Muqdisho ku dilay Qofka shacab ah ee uu amray Madaxweynaha in la soo qabto

.