Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Cinqaab aan horay loo arag yaase lagu cinqaabi donaa?

Madaxweynaha JFS, Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshooyinka Dowladiisa ee ku aadan dib usoo celinta ka faa’iideysiga Beeraha.

Farmaajo waxa uu sheegay in Dowladiisu ay dib usoo celin doonto beerihii ay lahaan jirtay dowladdii dhexe ee Somalia, waxa uuna cadeeyay in dhammaan beerahaasi ay ka faa’iideysan doonto Dowlada.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu cadeeyay in Dowladiisu ay ka dhabeyn doonto dib ula soo laabashada Beeraha.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in beerahaasi lagu fali doono Mas’uuliyiinta lagu qabto danbiyada la xiriira qaadashada Laaluush iyo sidoo kale Musuqmaasuq.