Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbadd ka jeediyay Qaramada Midoobey (VIDEO)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay hadal ka jeediyay Kulanka 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, iyadoo khudbadiisa uga hadlay arrimo kala duwan oo siyaasadda, dhaqaalaha, Kiiska Badda ee yaala Maxkamadda ICJ iyo arrimo kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor sheegay Qaramada Midoobey in wada hadaladii uu la yeeshay Madaxweynaha Kenya ee uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar ee ku saabsanaa arrimaha muranka Badda aan uusan aheyn mid miro dhal ah.

Waxaa uu sheegay inay doonayaan in Kiiskaas lagu xaliyo Maxkamadda Caalamiga ee ICJ, isla markaana balan-qaaday in Soomaaliya ay u hoggaansami doonto Go’aanka Maxkamadda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay siyaasadda loo dhan yahay qorshaha dowladdiisa ee kala guurka soo socda, waxaana uu tilmaamay in doorasho loo dhan yahay uu ka dhici doono Soomaaliya sanadka 2021.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ka dhaceen doorashooyin lagu guuleystay, inkastoo aanu si rasmi ah u magac dhabin maamuladaas.

Halkan hoose ka daawo khudbada Madaxweynaha

https://www.youtube.com/watch?v=5xIr2OrmSVE&feature=youtu.be