Madaxweyne Farmaajo oo Amray in La Siidaayo Maxaabis Ku Xiran Xabsiga Dhexe

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo oo manata booqday Xabsiga Dhexe xamar ee Magaalada muqdisho ayaa Amar ku bixiyay in la sii daayo Maxaabiista Mudada Xarigooda dhameystay ee u xayirnaa Arrimaha Doorashooyinka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Bashiir Goobe oo Madaxweynaha ku Soo Dhaweeyey Xarunta Xabsiga Dhexe ayaa Faah-faahin ka siiyey Xaalada ay ku nool yihiin Maxaabiista ku Xiran Xabsiga Xamar kuwaas oo qaarkoo ay ku eedeeyeysan yihiin Danbeyo Fudud.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay Taliska Asluubta Soomaliyeed si dhaqan celinta ay ugu sameeyeen Maxaabista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar, waxa uu sidoo kale sheegay in dowladadii ay ku dadaali doonto sidii looga taxadari lahaa Maxaabista Soomaliyeed Xabsigaasi.