Madaxweyne Donald Trump oo qudbad miisaankeedu dhinac u badnaa ka jeediyay Shirka Riyadh

Madaxweyne Trump ayaa qudbad ka jeediyay shirka ka soconaya Magaalada Riyadh ee Dalka Sacuudi carabiya, Trump ayaa qudbadiisa diirada ku saaray ururada Xagjirka ah ee ka dagaalama wadamo badan oo Islaam ah asagoona ku baaqay in lala dagaalamo kooxaha caadeystay inay dadka laayaan.

Qudbadiisa ayuu ahayd sidatan ”Ka xaaqa dhulka” iyadoo ay ahayd qudbadiisa tii ugu horeysay ee uu u jeediyo hogaamiyaal Muslimiin ah.

Mr Trump ayaa ku eedeeyay dawlada Iran amni darada ka jirta gobolka iyadoo dowlada Iran ay ka mid tahay wadamo Islaam ah oo muwaadiniintooda laga mamnuucay dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Axaddan ugu baaqay dalalka Muslimka ah inay u midoobaan dagaalka laga soo horjeedo kooxda Daacish, isagoo hogaamiyayaasha dalalka Carab iyo Muslim ee ka qayb galaya kulanka ka dhacaya magaalada Riyad u sheegay in ay ahayd “dagaal u dhexeeya wanaagga iyo xumaha.”

Trump, oo ku gudajira booqashadiisii u horreysay ee uu ku tago dibadda isagoo madaxweyne ah, ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo waddamo isbahaysi ah “kuwaasoo wadaaga hadafka ah cirib tirka xagjirnimada.”

“Tani ma ahayn dagaal u dhexeeya diimo kala duwan, kooxo kala duwan, ama ilbaxnimooyin kala duwan,” ayuu yiri Trump. “Tani waa dagaal u dhexeeya dambiilayaasha Axmaqiinta ah ee raadinaya inay tirtiraan nolosha aadanaha, iyo dadka wanaagsan ee ka soo kala jeeda diimaha kala duwan ee u baahan in la ilaaliyo.

Madaxweyne Donald Trump oo lix wadan oo Muslim ah oo ay ka dhaceen weerarro argagixiso ka mamnuucay inay soo galaan Mareykanka, ayaan adeegsan halku dhagiisii ahaa “Argagixisada Asal-Raaca Islaamka ah” kaasoo ah mid si joogto ah ugu jira khudbadihiisa dalkan Maraykanka, taa beddelkeeda ayuu hoggaamiyaasha Muslimka ugu baaqay inay si hagar la’aan ah uga hortagaan argagixisada “dhibaatooyinka xag-jiriinta Muslimka ah iyo kooxaha Islaamistayaasha ah ee ay dhiirragaliyaan.”