Waxaa Dalka mareykanka gaaray madaxweynaha dalka masar Cabdul Fatax Al-ziisi waxaana halkaas kusoo dhaweeyay madaxweyne Donald Trump.
Waxayna kulankan diirada ku saareen sidii loo sii xoojin lahaa xariirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada Dowladood ee Masar iyo Mareykanka, waxaa kaloo meesha ka marneen in labada masuul ay ka wada hadleen dardar galinta dagaalada lagula jiro kooxaha xag jirka ah ayagoona ku baaqay in argagaxisada meel cad loogasoo wada jeesto.
Cabdifataax al-Sisi ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay oo Afrikan ah oo lagu soo dhaweeyo aqalka cad lana kulma Madaxweynaha Mareykanka, waxa uu sidoo kale noqday Madaxweynihii u horeeyay ee Afrikaan ah ee la hadla una hambalyeeya Trump markii uu guuleestay.