Madaxweynayaasha Puntland Iyo Soomaaliland oo kulan qarsoodi ah ku yeeshay Imaaraat-ka

Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland ayaa xalay kulan qarsoodiya ku yeeshay waddanka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu shalay gaaray madaxweyne Biixi, halka madaxweyne Deni uu hore u sii joogay.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo Arbacadii u safri lahaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa u baaqday kulanka madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonaan karo.

Labada mas’uul ayaa xalay ku kulmay shir qarsoodiya oo aad warbaahinta looga ilaaliyay, inkastoo aan si faahfaahin loo ogayn qodoba ay ka wada-hadleen iyo in ay ku heshiiyeen midna.

Sidoo kale, kadib markii uu soo baxay warka sheegaya kulankooda ayaa sida aan xogta ku helnay labada dhinacba si weyn uga caroodeen, waxaana ay xiriiro la sameeyeen qaar kamid ah suxufiyiinta iyo warbaahinta aadka loo akhristo  oo ay u ballan qaadeen lacago, in ay warkan beeniyaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa jimcaha maanta  ka soo dhoofay magaalada Dubai ee xarunta ganacsiga UAE, isagoo u safray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo uu ka furmayo shir u dhexeeya dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland ayaa isna weli ku sugan waddanka Imaraaadka, iyadoo la filayo in uu dib ugu laabto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.