Madaxweynahii ugu horeeyay oo cuuryaan ah si kalsooni ku jirtana loo doortay(sawiro)

Doorasho ka dhacday wadanka Ecuador ayaa waxaa si kalsooni ku jirto ugu guuleystay Lenin Moreno oo ah nin cuuryaan kaasoo dadka reer Ecuador ay doorteen  asagoo la tartamayay musharaxiin badan ugu dambeyna kusoo baxay doorashadii ka dhacday wadankaas.

Lenín Moreno ayaa noqon doona Madaxweynihii uggu horeeyey caalamka oo xil qabta isagoo lixaadkiisu dhimanyahay waxaana uu ku socdaa gaariga loogu talo galay dadka curyaamiinta ah.

Sanadkii 2012 ayuu Lenín Moreno sheegay in marka uusan qofka lugo lahayn uu yahay kan ugu hooseeya bulshada isagoo xilligaas ahaa Madaxweyne ku xigeen.

Waxaa doorashadiisa soo dhoweeyey kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha oo shacabka wadanka Ecuador ugu hambalyeeyay jidka cusub ee ay u fureen dadka curyaamiinta ah.

Dadka ka soo horjeeda waxay waxay ku dhaliilaan inuu yahay nin hal adag isla markaana aan aad uga helin Warbaahinta.

Saraakiisha dowladda ee eedaha musuqa la xiriira loo heysto ayuu sheegay madaxweynaha cusub inuu talaabo adag ka qaadi doono.

Moreno ayaa xilka kala wareegaya madaxweynaha xilka ka degaya Rafael Correa oo looga guuleystay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas.

Hogaamiyaha cusub ayaa waxaa la sheegaa inuu caan ku yahay farxadda, niyad samida iyo dhiirro gelinta dadka lixaadkooda dhiman yahay waana cod kar aan la gambban waxa ku jira qalbigiisa.