Madaxweynaha Zimbabwe oo ka badbaaday Qarax

Qarax  xooggan ayaa laga maqlay garoonka kubadda Cagta Bulawayo halkaas oo Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa uu ka hadlayey ololihii doorashada sidda ay shaacisay Warbaahinta dowladda.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow meeshii uu taagnaa Madaxweynaha Zimbabwe, waxaana la sheegay in Madaxweynaha uu badbaaday oo aysan waxyeelo soo gaarin.

“Madaxwayne Mnangagwa lama dhaawicin waxaa uu ku sugan yahay  Aqalka Madaxtooyada Bulawayo,” afhayeenka madaxweyne George Charamba ayaa wargeyska u sheegay.

“Baaritaannada ayaa socda oo faahfaahin dheeraad ah ayaa la siin doonaa dadweynaha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.