Madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashiir iyo Donald Trump oo casuumaad kawada helay Boqor Salmaan

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan ayaa shir Sacuudi ka dhacaya kuwada casuumay madaxweynayaasha kala ah Cumar Al-Bashiir oo Sudan ah iyo Madaxweynaha dalka Mareekanka donald Trump.

Wasiirka Arrimaha Dibada Sudan Ibrahim Ghandour ayaa sheegay in Madaxweynaha Sudan Cumar al-Bashir oo loo haysto dambiyo dagaal uu u safrayo Boqortoyada Sacudi Carabiya maalinta Jimcaha.

Wasiirka ayaa xusay in uu rajeynayo in cunoqabataynta saaran dalkiisa la qaadayo bisha July ee soo socota uuna rumeysan yahay in Maraykanka uu doonayo in uu caadi ka noqo xiriirka u dhexeeya labada dal.

Hase yeeshee dowlada Maraykanka ayaan xaqiiji sheegashada wasiirka arrimaha dibada Sudan,waxana dowlada Maraykanka ay u aqoonsatay dalka Sudan wadan caawiya argagaxisada.

Lama oga in ay ku kulmi doonaan Sacudi Carabiya Madaxweyne al-Bashir iyo Madaxweyne Trump oo booqashadiisii ugu horeysay ku tegi doono maalinta Sabtida Boqortoyada Sacudi Carabiya. Mr Trump ayaa shirweynaha qudbad u jeedin doono iyadoo la rajeynayo in aragtidiisa Islaamka uu ku soo bandhigi doono.

Sanadkii 2009 iyo 2010 ayaa Maxkamada Caalamiga ah ee dambiyada waxa ay u jartay warqada soo qabashada Madaxweynaha Sudan Bashir iyadoo ku eedeysay inuu ku kacay xasuuq.dambiyo dagaal iyo gabood falo ka dhacay gobolka Darfur ee dalka Sudan iyadoo ay ku dhinteen dad gaaraya 300,000. Hase yeeshee Madaxweynaha Sudan al-Bashir ayaa beeniyay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.