Madaxweynaha Mareekanka Trump oo ka digay in dagaal wayn uu mar kale caalamka ka dhaco

Madaxweynaha dalka Mareekanka Donald Trump ayaa ka digay inuu dagaal wayn oo ka dhaco caalamka kaasoo uu la galayo dowladda Kuuriyada Waqooyi, dagaalkan uu ka digayo Trump ayaa salka ku haya arinta Niyuklerka ee xukuumada Pyongyang.

Todobaadkan gudihiisa ayay ahayd markii dowlada Mareekanku ay Gujis geysay gacanka Kuuriya gaar ahaan dhanka dowladda Kuufurta Kuuriya.

 

Gujis ku sugan dekada wayn ee kuufurta Kuuriya

Trump oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa kale oo uu sheegay inuu door bidayo in arrintani ay noqoto mid lagu xaliyo qaab dublomaasiyadeed, balse buu yiri ay adagtahay in laga guul gaaro.

Madaxweyne Trump waxaa kale oo uu bogaadiyay dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping oo isku dayay buu yiri inuu cadaadis saaro dalka Kuuriyada Waqooyi.

Horaanna xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo la hadlayay telefishinka Fox news ayaa sheegay in dowlada Shiinaha ay uga digtay xukuumada Pyongyang cunaqabateyn lagu soo rogo haddii ay markale tijaabiso barnaamijkeeda nukliyeerka.

Mareykanka waxaa uu door biday in tallaabo adag laga qaado xukuumada Pyongyang
Dhanka kale dowlada Kuuriyada waqooyi ayaa soo saartay muqaal borobogaando ah oo muujinaya weerar ka dhan ah Mareykanka.

Arrintani ayaa kusoo beegmeysa maalin uun kaddib markii madaxweyne Donald Trump u warbixin ka siiyay xubnaha aqalka senate-ka ee Maraykanka khatarta Mareykanka kaga imaaneysa dowlada Kuuriyada Waqooyi, waxaana uu sidoo kale madaxweynaha soo bandhigay qorshe uu doonayo in lagu ballaariyo cunaqabatayn la saaro dalkaasi.