Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Gothenburg (Sawiro)

Madaxweynaha Maamul Goboleeddka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti  uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Gothenburg ee caasimada labaad ee dalka Sweden.

Madaxweynaha Puntland oo weli ku guda jira safarkiisa uu ku marayey qaar ka mida wadamada Yurub, gaar ahaan England, Norwey, Sweden iyo Finland ayaa maanta si balaaran waxaa loogu soo dhaweeyey magaalada Gothenburg oo ah magaalo ay ku badan yihiin jaaliyada maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Soo dhawaeynta Madaxweynha Puntland iyo weftigiisa oo ahayd mid balaadhan ayaa waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Puntland ee magaalada Gothenberg ee wadankaasi Sweden, waxaana kasoo qayb galay soo dhawaynta madaxweynaha qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha Puntland oo ay hor kacayeen odayaasha, waxgaradka, iyo aqoonyahanada jaaliyadaha.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo shacabkii soo dhaweeyey umahadnaqay, ayaa hadal kooban ugu jeediyey dadweynihii soo dhaweeyey waxaa uu si weyn ugaga mahadnaqay soo dhawaynta iyo sida bilicdasan ee ay usoo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa.

” waxaan idiinkaga mahadnaqayaa sida balaadhan ee aad aniga iyo weftigayga usoo dhawayseen, waana wax wanaagsan oo i farxad geliye, waxaadna noo muujiseen dareen wanaagsan oo yididiilo wanaagsan igu abuuray, waana idiinka mahadnaqayaa si balaadhan oo farxadi ku dheehan tahay, waan idinla joogi doonaa dhowr berri, waxaynuna wada qaadan doonaa wakhti wanaagsan, maadaama aad qabowga mudo taagnaydayn si aad noo soo dhawaysaan waxaan kusoo koobayaa, waxaan isku xogwaraysan doonaa kulankeena danbe, ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugnaan doonaa mudo labo maalmood magaalada Gothenberg, kadibna uga sii gudbi doonaa caasimada wadanka Finland ee Helsinki halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Jaaliyadaha Puntland iyo guud ahaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi

SAWIRRO