Madaxweynaha Faransiiska oo sheegay in xasuuq lagu hayo Muslimiinta Rohingya

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa qulquulka Muslimiinta Rohingya ee laga tiro badanyahay ee Myanmar ku tilmamay xasuuq.

Madaxweyne Macron ayaa Telefishan laga leeyahay dalka Faransiiska u sheegay in dalkiisu cambareynayo waxa u ugu yeeray isir tirtirid waxaa uuna sheegay in xaladaasi u kala tashan doono dalal badan oo xubno ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay si talaabo wax ku ool ah looga qaado, hase ahaatee faahfaahin kama uusan bixinin talabadaas.

Mar sii horeysay, ayaa madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka, Zayd Racad al-Xuseyn, sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tahay inuu tixgeliyo in cunaqabateyn dalka Myanmar loogu soo rogo sida uu ula dhaqmay Muslimiinta Rohingya.

Dhanka kale, hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa wajahaysa cadaadis xoogan oo ku saabsan qaabka ay ula tacaashay rabshadaha ka socda gobolka Rakhine iyo dhibaatada haysta qaxootiga Rohingya.

Khudbad ay jeedisay Talaadadii ayaa hogaamiyaha Myanmar waxa ay ku canbaaraysay ku tumashada xuquuqda aadanaha, balse kuma aysan eedeeyn ciidamada islamarkaana kama aysan hadlin eedeeynta ah isir sifeynta.

Dowladda Myanmar ayaa ku eedaysay maleeshiyaadka Rohingya inay sii hurinayaan colaadda ku qasabtay boqollaalka kun ee qof ee shacabka Rohingya ah inay u qaxaan dalka dariska ah ee Bangladesh.