Madaxweynaha Dalka Mareekanka ee Donald Trump oo saxiixay amaro cusub

Madaxwaynaha dalka Maraykanka ayaa saxiixay amar cusub kaasoo la damacsanyahay in lagula dagaalamo ganacsiga dibadda, kaasoo uu ku sheeegay in meesha laga saari doono wax uu ku sheegay isku dheeli tirnaan la’aanta ganacsi.
Madaxwaynaha ayaa waxa uu ku dhawaaqay dib u habayn lagu samaynayo waxyaabaha sababa isu dheelitirnaan la’aanta ganacsiga gaar ahaan wadamada Shiinaha iyo Maraykanka.
Waxaa la filayaa in todobaadka soo socda inuu madaxweyne Donald Trump uu la kulmo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, kulankaas oo lagu wado inuu ka dhaco gobolka Florida.
Donald Trump ayaa intii uu hayay xilka madaxweynenimada Maraykanka waxa uu saxiixay go’aano muran weyn dhaliyay si adagna loo dhaliilay.
Shiinaha ayaa waxa uu ka mid yahay wadamada sida weyn ganacsi ula leh dalka Maraykanka, gaar ahaan alaabta la dhoofiyo.

amarkaan cusub ee uu saxiixay Trump waxa uu noqon doona mid saamayn ku yeesha wadanka shiinaha haddi sidii loogu tala galay loo meel mariyo.