Maamulka Hir-shabeelle oo Lagu Eedeeyay Hurinta Dagaalka Ka Socda Deegaanka Cadale+Dhageyso

Dagaalkaan oo geystay qasaare hantiyadeed iyo mid nafeedba ayaa saaka barqadii dib uga qarxay deegaanno hoos-yimaada Deegaanka Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Waxaa la tilmaamayaa in dagaalku uu u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo muddooyinkii dambe ku dagaalamayey deegaanadaasi.

Intii dagalku uu socday ayaa la xaqiijiyey in maleeshiyaadka dagaalamay garab ka mid ah ay gubeen goobo mid ah tuulooyinkii lagu dagaalamay,waxaana goobaha dabka la qabadsiiyey ay ahaayeen guryo la dagganaa sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo aan helayno.