Liis muujinaya Wadamada Afrikaanka oo ay Qurba joogtoodu ugu lacag diris badantahay, Soomaaliya waa sidee?

War bixin ay soo saartay world Bank, 22 April ayaa lagu sheegay lacagaha ay diraan qurba joogta Afrikaanka  ah ayadoo ay sheegtay warbixintu in dadka kasoo jeeda Qaarada Afrika ay yihiin dad xasuusta mar walba wadankooda yo qaraabadooda kuwaas oo lacago badan dira mar walba.

Dadkaas ayaa la ogyahay inay wadankooda u diraan lacago si ay ugu caawiyaan dadkii qaraabada la ahaa iyo inay ku hormariyaan wadamadooda ayagoo ka fulinaya mashaaric wadankooda ay kasoo tageen taasna ay Qaarada Afrika ku sii siyaadineyso horumar.

Warbixintan World Bank uu soo saaray ayaa laga ogaaday Xawaaladaha iyo Bankiyada u dira Wadamada Afrika inkastoo  laga dareemayo hoos u dhac yar  waxay ahayd $33 Bilyan oo dollar waana tiro ka yar         ( 6%)  sanadii kasii horeysay .

Sida ay qiyaasayaan Khuburo ka howl gala World Bank waxay sheegayaan in sanadkaan uu jiro doono sare kac ayadoo lacagaha la dirana ay gaari doonaan ila iyo $34 Bilyan oo Dollar waana sara kac dhan (3.3%).

World Bankigu waxay cadeeyeen inay Jiraan siyaado laga dareemayo lacagaha sida sharci darada ah loogu diro afrika ayadoo korortay sanadii 2016 ay ahayd  9.7% marka loo fiiriyo sanadkan hadda socdana uu kusii dhowaaneyso 9.8% waana heerka ugu sareeyo caalamka.

Hadabada halkan hoose aan ka fiiri liiska ay soo saartay World Bank

1: Nigeria = $19 Bilyan dhaqaalaha wadanka waxay ka tahay 4.6%

2: Senegal = $2 Bilyan dhaqaalaha wadanka waxay ka tahay 13.5%

3: Ghana = $2 Bilyan  dhaqaalaha wadanka waxa ay ka tahay 4.8%

4: Kenya = $1.7 Bilyan. ////////

5: Uganda = $1.1 Bilyan. ////////

6: Mali = $0.8 Bilyan dhaqaalaha wadanka waxa ay ka tahay 5.7%

7: S. Afrika = $0.7 bilyan. ///////

8: Liberia = $0.1 Bilyan. ///////

9: Ethiopia = $0.6 Bilyan. //////

10: Madagascar = $0.4. ///////

 

Liiskan Waxaa lagu muujiyay wadamada sida sharciga ah loogu gudbiyo lacagaha waxaana ka maqan wadamo ay ka mid tahay Soomaaliya sababta looga waayay ma cadda balse waxaan dareensanahay inay tahay xawaaladaha Soomaaliya lacagaha usoo diraa intooda badan waa kuwa aan sharciyaysnayn.

F.G: wadan walba waxaa lagu saleeyay dhaqaalaha uu haysto sidoo kale wadamada qaar laguma cadayn inta ay ka tahay qarashka loo soo diro.