Koox la heystayaal Soomaali,Itoobiyaan iyo Eritrean ah ayaa dil iyo dhaawac kala kulmay kooxda Maggafayaasha lagu magacaabo ee dadka ku qafaasha gudaha Dalka Liibiya.
Maxaabiistan waxaa ay ku jireen Xabsi lagu magacaabo Banii Waliid,waxaa uu ku yaallaa Waqooyi Galbeed Dalka Liibiya,halkaas oo ay ku heysteen Maggafayaasha.
In ka badan 100 Maxaabiis ayaa isku dayay in ay ka baxsadaan Xabsiga hayeeshee waxaa rasaas nool la dhacay Kooxda ilaalada Xabsiga ee Maggafayaasha ka wakiilka ahaa.
Dhaqaatiirka Hay’adda aan xudduudda lahayn ee MSF,ayaa sheegaya in in kabadan 100 Maxbuus la dhaawacay in intii ay socotay baxsashada oo dhacday 23kii Bishan.
Shaqaalaha MSF,waxaa ay sheegeen in 15 Qof oo la heystayaasha ka mid ahaa la dilay,25 kalena la dhaawacay halka kuwo kale oo ka badan boqol ay baxsadeen.
Dadkii ka bad baaday shilkaas ayaa u sheegay shaqaalaha Hay’adda MSF in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay ku jireen xabsiga Banii Waliid,iyada oo tiro badan oo iyaga ka mid ah lagu iibsaday Magaalada Nesma oo u dhow halka uu Xabsiga ku yaallo.
MSF waaxaa ay sheegtay in ilaa hadda aysan kala caddeyn tirada Maxaabiista ah ee ku jirta Xabsiga Banii Waliid ee Waqooyi Galbeed Liibiya,halkaas oo Magafayaasha ay xitaa taageero ka helaan dadka degaanka oo ka gacansada dadka Tahriibayaasha ah.