Layli saraakiil oo tababar kusoo dhamaystay dalka jabuuti oo muqdisho si wayn loogu soo dhaweeyay

S/Guuto Axmed Dayib Axmed (Dhegacaleen) iyo Saraakiil uu hoggaaminaayo ayaa maanta gegida Diyaaradaha caalamiga Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) ku soo dhoweeyey tiro ciidan leyli Saraakiil oo ka tirsan Ciidanka Booliska oo tababbar shan bilood ku soo qaatay Dalka Jabuuti.

Ciidamada tababbarka u soo dhamaaday ee maanta dalkooda dib ugu soo laabtay ayaa qeyb ka noqonaya ciidamada loogu talagalay inay ka qeyb qaataan sugidda amniga dalka, waxaana hadal dar daaran ah oo uu u jeediyay ciidankan Sareeyo Guuto Axmed Dayib Axmed uu ku aadanaa sidii ay shacabkooda ugu adeegi lahaayeen oo ay u fulin lahaayeen tababbarka loo siiyay inay cadowga ka difaacaan.

“Waxaa idin soo dhamaatay tababbar ciidan oo muddo shan bil ah oo aad ku soo qaadateen dalka Jabuuti, xaqiiqdii waa tallaabo lagu farxo in taliska booliska uu markasta xoogga saaro tayeynta iyo dib u habeynta ciidanka booliska, waxaana idinkula dar daarmayaa inaad shacabkiina ugu adeegtaan waxyaabaha la idin soo baray” ayuu yiri Sareeyo Guuto Axmed Dhagacaleen.

Taliska ciidanka booliska ayaa dadaal u galay sidii booliska looga dhisi lahaa dhan waliba xagga aqoonta iyo xag tababbar ciidan, maadaama ay yihiin saaxiibka koowaad ee shacabka, isla markaana ay har iyo habeenba u taaganyihiin ilaalinta sharciga.